Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday in uu Jude Bellingham iska diiday ku biirista Man United sabab la xidhiidha in uuna helin damaanad uu joogto ugu ciyaarayo kooxda.
United ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa Bellingham sanadkii 2020 iyada oo xitaa kooxdu Tababareheedii hore ee Sir Alex Ferguson isku dayay in uu xididga ku qanciyyo.
Si kasta ha ahaatee Bellingham ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Borussia Dortmund isaga oo 22 milyan ugu biiray kooxda reer Germany.
Xiddiga da’yarka ah ayaa suuqii xagaaga ku biiray kooxda Real Madrid waxana uu ku guulaystay da’yarka ugu fiican adduunka abaalmarinta Ballon d’or-ka.
“Waxa aan maqlay in uu Bellingham Man United ka doonayay Damaanad ah in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda ka hor inta uuna ku biirin”ayuu Ferdinand yidhi.
“Laakiin United ayaan Xiddiga siin balan-qaadkaas waa waxa aan ka maqlay ilo lagu kalsoonaan karo”.