Rio Ferdinand ayaa aaminsan in xiddigaha garabka uga ciyaara Man United ayna Rasmus Hojlund siin nooca adeega ka caawinaya in uu dhaliyo goolal badan.
Red Devils ayaa dhibaatootay ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyada oo uuna xiddiga 20 jirka ah ee xagaaga ku soo biiray uuna soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay Premier League.
Laakiin waxa uu dhaliyay 3 gool champions League waxana uu Ferdinand sheegay in Antony iyo Rashford ay Xiddiga ka caawiyaan in uu dhaliyo goolal isla markaaas siiyaan adeega uu u baahanyahay.
“Waxan qabaa in aan u baahanahay in aan samayno qaab aan xiddigaha kooxda uga faa’iidaysanayno awoodooda”ayuu yidhi Ferdinand.
“Waxaad eegtaa Hojlund, waxa uu doonayaa in kubbada loo soo karooso, Waxaad aragtay madaxii uu dhaliyay Champions League, waxaad arkaysaa qaabka uu u weeraro karoosyada”.
“Kubada garabka gee kadib soo karoos, Antony ma karooso kubada waxa uu isku dayaa in uu kubada la galo dilinta ganaaxa sidoo kale Marcus ma karooso”.
“Xiddigaha garbaha daafaca ka ciyaara waa in ay madaxa soo saaraan kubad kadib waxa uu ka dhalin doonaa goolal”.