Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ay dib u cusbooneysiisay qandaraaska ciyaaryahankeeda Federico Valverde ilaa 2029.
Kooxda ayaa sharaxaad ka bixisay in qandaraaska cusub ee xiddiga reer Uruguay ee Real Madrid uu ku jiri doono lacag lagu bur-burin karo oo dhan Hal Bilyan oo euro.
Valverde ayaa ku biiray Real Madrid bishii July 2016. Waxa uu ahaa kaliya 18 sano jir wakhtigaas, laakiin hadda waxa uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.
Go’aanka dib u cusboonaysiinta ayaa yimid iyada oo qayb ka ah dib u cusbooneysiinta uu sameeyay madaxweynaha kooxda, Floretino Perez, oo uu ku bilaabay ciyaaryahanka Vinicius Junior iyo ninka ay isku dalka yihiin ee Rodrigo Goes, laba toddobaad ka hor.
Ancelotti ayaa doonaya in uu hubiyo mustaqbalka xiddigaha da’yarka ah ee kooxda si ay u sii joogaan sanadaha soo scoda.
Valverde ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda isaga oo ka ciyaari kara boosas badan oo ay ka mid yihiin khadka dhexe iyo waliba garabka weerarka.