Xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga ayaa qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixay Real Madrid.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa muhiim ka noqday kooxda Los Blancos tan ilaa markii uu kaga soo biiray Rennes.
Camavinga ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Real Madrid isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Markii uu yimid Bernabeu, Camavinga waxa uu qalinka ku duugay heshiis lix sano ah, isaga oo kooxda ku sii hayn doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2026-27.
Real ayaa hadda ku dhawaaqday in heshiis cusub uu xiddigu qalinka ku duugay isaga oo kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2029.
Xiddiga ka ciyaari kara daafaca iyo waiba khadka dhexe ee Camavinga ayaa noqday xiddigii 3-aad ee qalinka heshiis cusub ugu duuga kooxda.
Xiddiga Camavinga ayaa maray wadada xiddigaha Vinicius Junior iyo Rodrygo oo qalinka ku duugay heshiis cusub.