Xiddiga Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 10 bilood ah ka dib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay Khamiistii.
Xiddiga 31 jirka ah ee reer Brazil ayuu dhaawac halis ah soo gaadhay kulan ka tirsanaa is reeb-reebka xulka qarankiisa Brazil.
Dhaawaca ayaa imanaya kadib markii uu 2 bilood ka hor ku biiray kooxda Al-Hilal ee horyaalka sucuudiga waxana uu haatan wajahayaa in uu wakhti fog garoomada ka maqnaado.
Neymar ayaa khamiistii lagu sameeyay qaliin waxana uu bilaabayaa in uu ka soo kasado dhaawaca ka soo gaadhay jilibka.
Xiddiga ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo 10 bilood ah kadib qaliinka markii looga sameeyay jilibka.