Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u cusbooneysiisay qandaraaska ciyaaryahankeeda Manuel Locatelli ilaa June 2028.
Juventus ayaa bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah ku tiri: “Juventus waxa ay kordhisay heshiiska Locatelli ee kooxda waxana uu joogi doonaa ilaa haatan 2028″.
Locatelli ayaa ku biiray Juventus 2021, isagoo amaah kaga yimid kooxda reer Talyaani ee Sassuolo.
Ku biirista Locatelli ee Juventus waxa ay noqotay mid toos ah sanadkan iyada oo kooxdu kula wareegtay heshiis 30 milyan ah kadib markii uu amaah ku joogay kooxda.
Xiddiga khadka dhexe ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Juventus isaga oo door weyn ka qaatay guulaha kooxda ee xilli ciyaareedkan