Wararka ka imaanaya Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay Qarax, kaas oo ay ka hortageen Ciidama Nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiye ee Saldhiga ku leh Magaaladaas.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxshay walxa Qarxa, wararka ayaa sheegaya in uu Qaraxa ka dhacay bar ciidan oo ay joogaan ciidamada ATMIS ee Itoobiya kuwaas oo degan Magaalada Maxaas Banaankeeda.
Wararka naga soo gaaraya Degamada Maxaas ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Ciidama ATMIS ay ka hor tageen gaariga inta uusan soo gaarin bartooda ciidanka ka dibna uu sidaas ku qarxay gaariga, kaas oo la sheegay in lala damacsanaa in uu gudaha u galo magaalada .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada ayaa saaka tagay qaar ka mid ah xeryaha Ciidama Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, isaga oo halkaas Ciidama ugu jeediyey khudbad.
Galinkii dambe ee maalintii Axadda ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu gaaray Maxaas, xilli uu ka soo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb oo muddooyinkii ugu dambeeyey uu ku sugnaa. Madaxweynaha ayaa magaaladaan u jooga abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud.