Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in John Stones uu maqnaan doono muddo sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray kulankii Manchester City ay ka badisay Young Boys habeenkii Salaasada.
Xiddiga reer England oo inta badan laga ciyaarsiiyay khadka dhexe iyo waliba daafaca waxana lagu badalay xiddiga Nathan Ake kulankii kooxda Young Boys.
Stones ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Man City waxana uu ciyaaray kulamo badan oo kooxda ah.
Kadib ciyaartii Young Boys Guardiola ayaa xaqiijiyay in uu Stones maqnaan doono muddo sabab la xidhiidha dhaawaca.
“Nasiib darro, John, mar kale ayuu maqnaan doonaa, Aad ayaan uga xumahay isaga sababtoo ah waa xirfadle cajiib ah, khasaare weyn ayay nagu tahay”.
“john aad ayuu muhiim ugu yahay kooxdan waxana aan sugi doonaa inta uu soo labsanayo”.