Oleksandr Zinchenko ayaa digniin u diray Mykhailo Mudryk ka hor kulanka Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Chelsea.
Zinchenko iyo Mudryk labaduba waxay wada ciyaareen ciyaartii Ukraine ay 3-1 kaga badisay Malta ciyaartii isreebreebka Euro 2024 fiidnimadii Salaasada.
Xiddiga Mudryk ayaa dhaliyay gool qurux badan isaga oo xulkiisa ka caawiyay in ay tallaabo u qaado ka qayb galka tartanka Euro 2024.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa haatan dareenkiisa u jeedin doona in uu boos joogto ah ka helo kooxda chelsea kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.
Zinchenko ayaa u diray xiddiga ay isku dalka yihiin umana ogolaan doono wixii uu ku sameeyay xulkiisa marka ay labada kooxood wada ciyaarayaan.
Markii la weydiiyay goolkii Mudryk ka dib guushii Ukraine ay ka gaareen Malta ayuu yidhi”‘Waxaan u sheegay isaga… ‘haddii aad sameyso ama isku daydo inaad sameyso sabtida wan ku jar-jari doonaa”.