Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Deco ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay wadahadalo kooban la qaadatay weeraryahanka Al-Hilal Neymar si uu xagaaga ugu soo laabto Camp Nou.
La Blaugrana ayaa xagaagii 2017 ka heshay Paris Saint-Germain lacag rikoorka adduunka ah oo dhan 222 milyan oo euro oo u dhiganta (£193.7m).
31-sano jirkaan ayaa diiwaan geliyay 195 gool oo uu dhaliyay 173 kulan oo uu u saftay PSG – 118 ka mid ah isaga iyo 77 caawinaad – laakiin Waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo.
Xiddiga ayaa xagaagii go’aansaday in uu isaga tago kooxda PSG waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yurub ah intii uuna ku biirin horyaalka sucuudiga.
Ka hor intii uuna ku biirin horyaalka sucuudiga Neymar ayaa wadahadalo la qaatay Barcelona si uu ugu laabto kooxdiisii hore.
Laakiin sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo waxa ay keentay in uuna ku laaban kooxda sida uu xaqiijiyay agaasimaha ciyaaraha.
“Waxaa jiray wadahadalo aan la yeelanay Neymar laakiin sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale marna fursad umaanu helin saxiixiisa”ayuu Deco yidhi.