Tababaraha kooxda Manchester United Eric Ten Hag ayaa hadlay ka dib markii ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Ten Hag ayaa u sheegay BBC Sport”Waa wax aad u fudud.”
“Waxa ay nagu heleen 3 fursadood ciyaarta oo dhan, waxan u malay ayaa in aan si fiican u ciyaarnay laakiin waxa aan qaadanay go’aamo khaldan”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Fursado fiican ayaan haysanay, waxaana haysanay ciyaartoy xor ah, wax saamayn ah kumaanu yeelan goolka, tayada ayaan ku fiicneyn qaybta dambe”
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Dabcan waa niyad jab, dhowr jeer ayaan ku dhawaanay in aan goolal dhalino laakin maanu qaadan go’aano saxan”a