Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu kala kulantay Luton kana tirsanaa horyaalka premier League.
Liverpool ayaa bar-baro 1/1 ah la kulantay kooxda kadib markii ay ku dhibaatootay in dhamaystirto fursadihii ay ka helaysay kulanka.
“Amaan waxa iska leh Luton marka aad eegto sida ay u difaacdeen, waxa aan helnay fursado aad u badan waxa ay ahayd in aan mid ama 2 dhamaystirno.
Waxa uu ahaa kulan adag, marka aan eego kulanka umaanu qalmin wax ka badan hal dhibic, waanu badin karnay kulanka marka la eego fursadihii aan helaynay”.
Liverpool ayaa kulankii 3-aad bar-baro gashay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana ay ku jiraan kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka.