Beledweyne waxaa ku nool Shacab dhiiggoodda lagga macaashay oo aan wax naxariis ah helin tii Alla moyee bal illa eeg dhibaataddaan halista leh.
Hay’adda FOA ayaa sheegtay inneey fulisay mashruuc biya xireen ah waxa ayna sheegtay mashruucaas innuu ku baxay lacag gaareysa Hal milyan oo (Dollar One Million Dollar) balse waxa dhacay waa ammakaag iyo fajac wareer leh.
FOA waxaa u taggay Kambaniyo (Companies) kuwaa oo u sheegay inneey yihiin Kambaniyaal qibrad leh kanna shaqeeya biya xireenadda waxa ayna u sheegeen inneey u baahanyihiin dhaqaalle sidaas darteed waa in si dhaqsi ah lacagta naloogu fasaxaa anaga ayaanna nagga taqaniin shaqa hufan oo sharaf leh biyo baxanne warkeeda daaya.
Lacagtii waa laggu wareejiyay oo waa ay la jeesteen dhabarka ayeey leex leexiyeen dubaba waxa ay u wacdeen nimankii dhisi jiray Guryaha Filooyin-ka waa xaafada iska caadiga ah sidoo kalle waxa ay wacdeen Gawaarida dhagaxa keenta Nin Baqaar shamiinta heystanne waxa ay ka dambadeen 500 oo kiish shaqa ayaaba bilaabatay.
Isku cel celis lacag lacag dhan $75.000 oo Dollar ayeey shaqadda ku qabteen oo intii kalle Account ayaa laggu shubtay, tan uggu darran ayaa ah marka ay soo qeyliyeen qaar ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan qeylo kadib jeeb-ka ayaa jag lagga yirri oo waxaa loogu darray ismaannan arrag.
Dhan-ka kalle Biya xireen-kaan idiin muuqda waxaa dhisay Shacab-ka oo waa iskaa wax u qabso waxaanna laggu dhisay 18000K Dollar waanna Jawaanno illaa haddane biyo kamma soo gudbin kuwa dhagaxa meesha ka buuxiyay bal fiiri mar horre ayeey soo dardareen Biyaha waa fashil.