What's Hot

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    November 25, 2023

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023

    Somali Pirates Hijack Iranian-Flagged Fishing Vessel off the coast of Eyl

    November 25, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Halgan Online
    • News
    • Sports
    • Arrimaha Bulshada
      • Caafimaadka
      • Jecelka
      • Waxbarashada
    • Politcal
      • Galmudug
      • Hirshabbelle
      • Jubbland
      • KGsomalia
      • Putland
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    • Contact Us
    Halgan Online
    Home » Mucaaradka Israaiil oo RW Netanyahu ugu baaqay inuu xilka ka dago (Sababta)
    News

    Mucaaradka Israaiil oo RW Netanyahu ugu baaqay inuu xilka ka dago (Sababta)

    halganonlineBy halganonlineNovember 16, 2023Updated:November 16, 2023No Comments2 Mins Read

    Hogaamiyaha Mucaaradka Israel Yair Lapid ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu iscasilo, isagoo sheegay in hogaamiyaha Israel uu lumiyay kalsoonida shacabka.

    Waa markii ugu horeysay ee Lapid uu ku booriyo Netanyahu inuu shaqada ka tago tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.

    “Netanyahu ma sii ahaan karo ra’iisul wasaaraha Israel. Waxaan u baahanahay dowlad soo kabasho qaran, wuxuu u baahan yahay inuu hadda tago. Ma ogolaan karno inaan helno Ra’iisul Wasaare lumiyay kalsoonida shacabka, haddii ay ahaan lahayd dhinaca bulshada ama dhanka amniga,” ayuu yiri Lapid oo wareysi siiyay Channel 12 ee Israel.

    “Dadka sida saxda ah wax u wadaa waa xarumaha difaaca. Xukuumaddani waa mid aan shaqaynayn,” ayuu yiri, “Waxaan u baahanahay inaan bedelno dawladda” ayuu intaas ku daray

    Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaarihii hore ayaa intaas ku daray inuusan u maleyneynin in hadda la joogo waqtigii ku habboonaa ee lagu qaban lahaa doorasho.

    Taas beddelkeeda, waxa uu sheegay in tallaabada ugu wanagsan ay ahayd in xisbiga Netanyahu ee Likud uu xilka ka tuuro hoggaamiyaha rug-caddaaga ah oo uu ku beddelo saaxiibkiis.

    Waxaa si weyn hoos ugu dhacday taageerada ay shacabka Yuhuuda u hayaan Raisul wasaare Netanyahu tan iyo markii Xamaas ay weerartay gudaha Israel 7dii bishii ina dhaaftay ee Oktoobar halkaasoo ay ku laayeen dad ka badan 1400 oo qof, isla markaana qafaasheen tiro kor u dhaaftay 200.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp Telegram
    Previous ArticleQaramada Midoobay oo ka digtay musiibo cusub oo ku soo fool leh marinka Gaza
    Next Article La-taliyaha amniga Qaranka oo Gudoomiyey shir looga hadlay arrimo xasaasi ah

    Related Posts

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    November 25, 2023

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023
    Add A Comment

    Leave A Reply Cancel Reply

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp
    Popular Posts
    ENGLISH NEWS

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    By halganonlineNovember 25, 2023

    TUKWILA, Wash. — A large fire broke out at a Somali grocery store in Tukwila…

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023

    Somali Pirates Hijack Iranian-Flagged Fishing Vessel off the coast of Eyl

    November 25, 2023

    African Peace March in Djibouti voices support for Palestinians

    November 25, 2023

    On our website Halgan online you get can all news related information also, we focus on many other categories and we hope you like also, the content of other categories that are maintained on our website.
    We're social. Connect with us:

    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok Telegram
    Top Insights

    One person injured after fire at Tukwila Somali grocery store

    November 25, 2023

    Finland shuts more Russia border points, says asylum inflow must stop

    November 25, 2023
    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • WhatsApp
    Facebook Twitter YouTube WhatsApp
    • About Us
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    • Contact Us
    © 2023 Halgan Online. Designed by Saitco Ict Solution.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.