In ka badan laba bilood ayaa ka harsan inuu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January laakiin waxaa durba jira tiro ciyaaryahano ah oo waaweyn oo Yurub ah kuwaas oo u muuqda inay ka tagi karaan kooxahooda haatan.
Jose Mourinho ayaa ku dhaw in uu si lama filaan ah ugu soo laabto Real Madrid isaga oo badalaay Carlo Ancelotti kaas oo lala xidhiidhinayo xulka qaranka Brazil (Mundo Deportivo).
Xiddiga Jadon Sancho ayaa ka tagaya kooxda Man United hadii uuna raali galin siin tababaraha kooxda Man United Erik Ten Hag (Guardian).
Kooxaha Juventus iyo Dortmund ayaa doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho suuqa January (Standard).
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay lacag iyo xiddigo ku dalbato xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala (Mirror).
Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in uuna Lionel Messi ku soo laaban doonin kooxda suuqa January (Romano).
Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa diyaar u ah in ay dalabyo ka gudbiyaan saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe suuqa January (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa xidga kooxda Man City ee Julian Alvarez u doonaysa badalka Karim Benzema (Fichajes).
Madrid ayaa haatanba wadahadalo la furtay wakiilka xiddiga oo xaqiijiyay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Real xagaaga dambe (Radio Continental AM 590).
Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa xiiso u qaba in uu midkood ku biiro kooxaha Arsenal ama chelsea suuqa January (Tutto Juve).
Tababaraha Kooxda chelsea Pochettino ayaa doonaya in ay kooxdu la soo saxiixato xiddiga kooxda PSG ee Ousmane Diomande (Fichajes).