Tababaraha kooxda Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in Reece James uu ka soo muuqan doono shaxda Chelsea ee kulanka Blackburn Rovers ee EFL Cup.
Tan iyo markii loo magacaabay kabtanka kooxda xagaagii, James waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed adag isaga oo ku dhibaatooday dhaawacyo.
Daafaca ayaa ku soo bilowday kulankii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna dhaawac soo gaadhin kaas oo uu ku maqnaa ilaa haatan.
James ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay badal ku soo galay kulamada kooxdiisa waxana uu haatan taam u yahay in uu ku bilowdo shaxda.
Pochettino ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waan xaqiijin karaa inuu James ku soo bilaaban karo, waa ciyaartoy u fiican waxana aan filayaa in uu ku bilowdo ciyaarta”.
Xiddiga reer England ayaa ka mid ah xiddigaha ka soo baxay Akademiyada kooxda waxana uu ku bilaaban doonaa shaxdiisa.