Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu taam u noqon doono kulanka Manchester City ee Premier League ee Liverpool galabnimada sabtida inkastoo uu Dhaawac uga baxay waajibaadka xulka qarankiisa.
Xiddiga reer Norway ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii saaxiibtinimo ee uu xulkiisu la ciyaaray Faroe Islands Khamiistii waxana laga saaray kulankii Scotland ee is reeb-reebka koobka Euro 2024.
Dhaqtarka xulka qaranka Norway Ola Sand ayaa yiri: “Dhaawaca ma ahan mid halis ah, laakiin waxaa laga saaray kulankii xulkiisa”.
Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, Haaland ayaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka Man City ee Premier League ee Liverpool galabnimada Sabtida.
Xiddiga reer Norway ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Citizens xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool waxana uu u diiwaan galiyay 4 caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan