Tababaraha Kooxda Arsenal ayaa si cadho leh uga jawaabay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Newcastle kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Newcastle iyada oo laga badiyay kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka premmier League.
Arteta ayaa sheegay in ay Newcastle dhalisay gool aan sax ahayn taas oo ay VAR aqbashay inkasta oo ay kubadu baxday.
“Natiijadu waa inaysan noqon waxa ay tahay! Waa ceeb,” ayuu u sheegay BBC.
“Waa wax laga xishoodo wixii dhacay”.
“Sidee loo ogolaady goolka horyaalka premier League. Horyaalkan waa midka ugu fiican adduunka 20 sano ayaan dalkan joogay, haddana waxaan dareemayaa xishood”.