Mikel Arteta ayaa sharaxay go’aankiisa weyn ee ah in uu kursiga kaydka dhigo kabtanka Arsenal Martin Odegaard kulanka ay Arsenal Ka badisay kooxda Sheffield United.
Arsenal ayaa 5/0 kaga badisay kooxda Sheffield United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League iyaga oo sii wada guulaha premier League.
Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan u baahnayn in aan is badal samayno sababta oo ah waxa aan ciyaarnay kulamo badan”.
“Kulamadii caalmiga iyo 6 kulan iyo 90 daqiiqo oo xidhiidh ah sidaas darteed waxa ay ahayd in aan is badal samayno”.
“Martin waxa uu qabay dhaawac yar aadna uguma diyaar ahayn kulanka”ayuu sii raaciyay.
Odegaard ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.