In ka badan laba bilood ayaa ka harsan inuu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January laakiin waxaa durba jira tiro ciyaaryahano ah oo waaweyn oo Yurub ah kuwaas oo u muuqda inay ka tagi karaan kooxahooda haatan.
Tababaraha Kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa haatan maadama uuna heshiis kordhin kula jirin kooxda (Sky Sport).
Xiddiga kooxda Man United ee Jadon Sancho ayaa ku dhaw in uu ka tago Man United suuqa January (Metro).
Tababarihii hore ee kooxaha chelsea, Juventus iyo Tottenham Antonio Conte ayaa doonaya in uu tababare u noqdo kooxda AS Roma (Il Corriere della Sera).
Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda Tottenham ee Pierre-Emile Hojbjerg (La Gazzetta dello Sport).
Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi (Football Insider).
Maal-qabeenka Qatar ee Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa doonaya in uu midkood iibsado kooxaha Liverpool ama Tottenham kadib markii uu ka baxay tartanka iibsiga Man United (Mirror).
Milkiilaha cusub ee kooxda Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa u sheegay Erik Ten Hag in uuna heli doonin lacag badan oo uu ku xoojiyo kooxda suuqa January (Guardian).
Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay dalab heshiis kordhin ah ka gudbiso xiddiga Kylian Mbappe todobaadka dambe iyaga oo heshiiska ku dari doona shardi u ogolaan doona in uu ku biiro Real Madrid (Sport).
Maal-qabeenka Qatar ee Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani Ayaa diyaar u ahaa in uu keeno kooxda xiddiga PSG ee Kylian Mbappe hadii uu la wareegi lahaa kooxda (Sport).
Kooxda Arsenal ayaa dar-dar galinaysa baacsiga ay ugu jira saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Astona Villa ee Ollie Watkins (Fichajes).
Kooxda Arsenal ayaa Liverpool kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Andre Trindade (Thiago Ferreira).
Kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona ayaa isku diyaarinaya in ay ku dagaalamaan saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen Florian Wirtz (Mundo Deportivo).