Qoraal lasoo dhigay bogga Garsoorka maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2023 ayaa sidaan u qornaa:
Garsoor – (Mogadishu)- Dil, Mag, iyo Sanada Xabsiya ah oo ku dhacay Sheegow iyo Maleeshiyadiisa-
- Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed)
Waxa uu ahaa taliyaha kooxda Sheegow ka bar-bar dagaalamaysay, waxa uuna February Sadax iyo Tobankeedii Sanadkan ku dilay Jowhar maxkamad ku taal laba Eedeysane oo xilligaas tabasha kala dhexeysay, waxa ayna kala ahaayeen, Cabdifitaax Cabdullaahi Cali & Maxamed Ismaaciil Xasan, sidaas darteed ayaa loogu xukumay Dil-toogasha ah, waxa uu Sidoo kale qayb ka ahaa weerar ay Ciidamada Amniga kala hor tageen koox uu taliye u ahaa oo Gabaad ka helay Sheegow.
- Sheegow Axmed Cali, hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.