Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland, Ahna weeraryahanka Man City ayaa ka hadlay xiddiga kooxda Al-Nassr iyo xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo.
Haaland oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Isagu waa isha ugu muhiimsan ee dhiirigelintayda, gaar ahaan gudaha dilinta ganaaxa, habka uu u horumariyo ciyaartiisa waa mid cajiib ah”.
“Waxa uu xirfadiisa ka bilaabay Garabkaweerarka laakiin waxa uu noqday weeraryahan, waa ciyaaryaha aan la rumaysan karin”.
Kadib markii ay Baaheen hadalada Erling Haaland, dad badan ayaa bilaabay inay ka hadlaan suurtogalnimada inuu u dhaqaaqo Al-Nasr xagaaga soo socda gaar ahaan in heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 200 milyan oo euro.
Horyaalka sucuudiga ayaa wakhtigii ugu dambeeyay noqday mid ay ku hirtaan xiddigaha kubada cagta iyada oo ay xiddigo badan oo ay ka mid yihin Neymar, Ronaldo iyo Benzema ka ciyaaren.