Tababaraha kooxda Mauricio Pochettino ayaa soo jeediyay inuu go’aano daahay ka qaadan doono taam ahaanshaha ciyaartoydiisa Chelsea ka hor kulanka sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Chelsea ayaa gashay fasaxa caalamiga ah iyada oo badiyay 3 kulan oo xidhiidh ah kana badiyay Brighton & Hove Albion, Fulham iyo Burnley tartamada oo dhan.
Kooxda chelsea waxa caawiyay soo laabashada dhawr xiddig oo kooxda ka caawiyay in ay guulo gaadhaan kulamo dhawr ah.
Si kasta ha ahaatee waxa soo gaadhay xiddigo intii lagu jiray fasaxa xulalka kuwaas oo kala ah Axel Disasi oo ku dhaawacmay waajibaadka xulkiisa iyo Nicolas Jackson oo dhaawac yar soo gaadhay.
Waxa intaas sii dheer in Reece James ku dhaawacmay tababarka halka uu xiddiga Armando Broja uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa.
Pochettino ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay jimcihii shaaca ka qaaday in Broja uu seegi doono kulanka Gunners, laakiin tababaraha ayaa sheegay in uu heli doono 3 xiddig oo kale.
“Waxaan u baahanahay inaan hadda qiimeyno sababtoo ah waxaan dhameysanay tababarka wax yar ka dib, waxaan u baahanahay inaan qiimeyno Axel Disasi, qiimeyno Nico, waxaan u baahanahay inaan sidoo kale qiimeyno Reece.
“Broja wuu maqan yahay sababtoo ah waxa uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka”.
“Waxaan heysanaa dhowr ciyaaryahan oo aan u baahanahay inaan qiimeyno si aan u aragno kuwa la heli karo oo ciyaari kara, ama kursiga keydka ama laga yaabo inay ka baxsan yihiin liiska.”