Man United ayaa war xun heshay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga Sofyan Amrabat lagu qasbay in laga saaro xulka Morocco.
Sida laga soo xigtay majaladda Moroccan ee Al Ayam, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa seegay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Liberia Salaasadii dhaawac aan la ogayn.
Amrabat ayaa laga saaray ciyaar saaxiibtinimo oo ay Atlas Lions la ciyaartay Ivory Coast sabtidii, waxaana uu ku guuldareystay inuu ka soo kabsado dhaawaca waxana uu seegay kulankii Liberia.
“Ma doonayno in aan isku qarani maqnaanshaha Amrabat sababta oo ah waan ogayn in uu maqnaan doono”ayuu tababaraha Morocco yidhi.
“Amrabat wuu dhaawacan yahay sidaas darteed waa in aan xal helno”ayuu sii raaciyay.