Kooxda Man City ayaa xasuuq ba’an kula kacday kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Etihad Stadium kana tirsanaa horyaalka premier League.
Kooxda Pep Guardiola ayaa si dar-dar leh ku bilaabaay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 30-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jeremy Doku kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Bernardo Silva ayaa daqiiqadii 33-aad dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Manuel Akanji ayaa daqiiqadii 37-aad kooxdiisa u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican kuna gacanta saraysa kulanka.
Qaybtii dambe ayay Man City ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka awood badnaa kooxda Bournemouth.
Daqiiqadii 64-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.
Xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0 ay ku hogaaminayso kooxdiisu ciyaarta.
Xiddiga Nathan Ake ayaa daqiiqadii 88-aad soo xidhay goolash isaga oo dhamaystiray nus-darsinka goolasha ah ee kooxdiisa.