Xiddigii hore ee kooxda Man United Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee Mancheter Derby.
Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Man City kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan horyaalka premier League.
ka hor kulanka Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono kulanka adag ee Manchester Derby.
Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay in ay labada kooxood ku kala bixi doonaan bar-baro 1/1 ah.
“Wax aan kuu sheego, hadii ay United Siiso xoriyad Man City sidii ay u siisay Copenhagen way dhibaatoon doonaan”ayuu Berbatov yidhi.
“Waxa jira kooxo marka aad la ciyaarayso aanad ka soo kabsan karin in aan khalad samayso sabab la xidhiidha tayada ay leeyihiin, waxa ay ka faa’iidaysanayaan khaladka aad samaynayso wayna ku ciqaabayaan sida Man City oo kale waa in aad 100% diirada saarto kulanka”.
“Waxa aan saadaalinayaa bar-baro, Waxan rajaynayaa in aanay United wax khalad ah samayn waxana ay heli doonaan bar-baro 1/1 ah”.