Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo uu wehliyo Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayay Fatahaadda iyo daadad laga cabsi qabo in gobolka Hiiraan ku dhuftaan.
Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin Agaasimaha Wasaaradda gar-gaarka iyo mareynta Musiibooyinka Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo madaxda Hay’adaha sama falka ayaa kulankaasi ka qeyb galay.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageestay Madaxda maamulka iyo Agaasimaha wasaaradda gar-gaarka madaxweynaha faray maamulka iyo Hay’adaha Samafalka in u diyaar garoobaan ka hor tagidda fatahaadda iyo daadadka laga cabsi qabo iyo sidii bulshada gurmad u heli lahaayeen.