Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Bacaadweyne
Bacaad-weyn halgan.online Wafdi ay horkacayaan Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug.
Qoor-Qoor iyo Wasiirka oo lagu soo dhaweeyay magaaladaas ayaa durba kulamo la leh masuuliyiinta halkaasi maamulkeeda lagu ogyahay iyo Saraakiisha Ciidamada hogaamineysa.
Magaalda Bacad weyn ayaa bishii hore laga saaray dagaalamayaasha Alshabaab kadib duulaan ay ku qaadeen Ciidamada Dowlada,Daraawiishta Galmdug iyo kuwa deegaanka.
Asbuucaan bilowgiisii ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu hogaaminta Dagaalka ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor markii uu ku laabtay amar kadibna uu uga sii gudbay Dalka Ereteria.
