Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay 2 xubnood oo ka shaqeynaya arrimaha diblumaasiyadda ee u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Soomaaliya, iyadoo la fulinayo soo celinta xariirka labada dal iyo Heshiiskii Isdhexgalka ee uu saxiixay Madaxweyne-hore Maxamed Farmaajo.
Amb, Omar Idris oo horey usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, ayaa hada loo magacaabay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Eritrea.
Cabdixakiin Faray, oo horey usoo noqday Madaxa NISA ee gobalka Banaadir, Kalkii hore ee Xassan Sheekh, ayaa loo magacaabay u qaybsanaha arrimaha ciidamada ee Safaarada Somalia ku yeelanayso Eritrea.
Labada xubnoodba safarkii u dambeeyey ee MW Xassan Sheekh kutagey Asmara ayay kamid ahaayeen, halkaas ayayna kaga soo hareen oo ay ka shaqo bilaabeen.
Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyay ka caawinaysay DFS dhismaha ciidamada, waxaana Asmara ay tababar siisay kumanaan kamid ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo qeybtood dalka lagu soo celiyay halka kumanaan kalena hadda uu u socdo tababar.
Xassan Sheekh ayaa intii uu ahaa mucaaradka dawladdii Farmaajo si weyn u naqdin jiray ‘waxtarka Eritrea ee Soomaaliya’, isagoo ku tilmaamay hoggaamiyaha uu booqashada ugu tagay dhowrka jeer ee Asias Afwerki Kaligii-taliye macalin u ahaa Farmaajo, kaas oo barayay sida xoog loogu heysto talada dalka.