Madaxa kooxda Bayern Munich Jan-Christian Dressen ayaa qiray in kooxdu ay sameyn doonto wax walba oo suurtagal ah si ay qandaraaska ugu kordhiso Jamal Musiala.
Tan iyo markii fursad loo siiyay kooxda koowaad ee Allianz Arena, Musiala ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda.
20-sano jirkaan ayaa haatanba dhaliyay 35 gool halka uu caawiye ka noqday 26 kale 120 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Si kasta ha ahaatee heshiiskiisa kooxda Bayern Munich ayaa dhacaya sanadka 2026 waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda iyada oo kooxo badan xiiso u qabaan saxiixiisa.
Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Si kasta ha ahaatee kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa sii haysato xiddiga.
Isagoo la hadlayay BR24, Dressen wuxuu yiri: “Runtii aad ayaan u jeclaan lahaa inaan sii haysano xiddiga ilaa dhamaadka noloshiisa”.
“Jamal waa ciyaartoy heer sare ah”.
“Waan jeclaan lahayn in aan sii haysano inta ugu badan ee suurtagalka ah”.