Kooxda Liverpool ayaa ku fashilantay in ay racfaan ka qaadato kaadhkii casaa ee loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Curtis Jones kulankii Tottenham.
Xiddiga reer England ayaa loo taagay kaadhka cas daqiiqadii 26-aad ee qaybtii hore kadib markii uu khalad ka galay xiddiga Yves Bissouma
Kadib kaadhka cas Liverpool ayaa isku dayday in ay racafaan ka qaadato ganaaxa xiddiga khadka dhexe laakiin FA-ga ayaa diiday racfaanka.
Sidaas darteed xiddiga khadka dhexe ayaa ganaax kaga maqnaan doona kooxdiisa 3-da kulan ee soo socota horyaalka premier Legaue.
Jones ayaa seegi doona kulamada Brighton, Everton iyo Nottingham Forest ka hor inta uuna soo laaban kulanka Luton ee prmeier League