Kooxda Liverpool ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Toulouse kulan ka tirsanaa Europa League.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Liverpool maamulayso ciyaarta laakiin Toulouse ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha.
Daqiiqadii 36-aad ayay Toulouse dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Aron Donnum kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Toulouse hogaaminayso natiijada ciyaarta
Qaybta dambe ayay Toulouse ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay daqiiqadii 58-aadba dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Thijs Daalinga kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
kooxda Liverpool ayaa daqiiqadii 73 heshay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Chritian Casseres kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Laakiin kooxda Toulouse ayaa isla daqiiqadii 76-aadba dhalisay goolka 3-aad waxana dhaliyay goolka xiddiga Frank Magri kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Xiddiga Diogo Jota ayaa daqqiadii 89-aad kooxda 2-aad u dhaliyay kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Liverpool guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Toulouse.