Kooxda Barcelona waxa ay dooneysaa in ay sharfto halyeygeeda reer Argentina, Lionel Messi, sanadka soo socda.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo”, maamulka Barcelona ayaa isku dayaya inay sharfaan Messi marka la furayo garoonka cusub ee “Spotify Camp Nou” oo loo qorsheeyay November 2024.
Munaasabada lagu xusayay sanad guuradii 125-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay kooxda Barcelona ayaa waxaa lagu wadaa in ciyaar dhexmarta Blaugrana iyo xulka qaranka Argentina.
Wararka ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha uu ku jiro in Messi uu labada qaybood ee ciyaartaas ku ciyaaro labada maaliyad ee xulka qarankiisa iyo waliba mida kooxda Barcelona.
Leo ayaa la filayaa inuu yimaado garoonka cusub ee Camp Nou isagoo sita koobka aduunka 2022, marka lagu daro siddeeda kubbada dahabka ah ee uu ku guuleystay xirfadiisa ciyaareed oo dhan.