Liverpool iyo Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore isku dayay saxiixa daafaca Barcelona Ronald Araujo, sida la shaaciyay.
Xiddiga Araujo ayaa kooxdiisa guul ku hogaamiyay kulankii Real Socidad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Bishii hore ee April, xiddiga ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Barcelona isaga oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.
Ka hor inta uuna saxiixin heshiiska cusub, Araujo ayaa diiday kooxo badan oo ay ka mid yihiin Liverpool iyo chelsea.
Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay chelsea iyo Liverpool dalabyo ka gudbiyeen saxiixa xiddiga reer Uruguay.
Daafaca dhexe ayaa sidoo kale xiiso ka helay kooxda Man United laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa.