Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay dileen Cali Qadhi, oo ka mid ahaa taliyeyaasha Xamaas.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in Cali lagu dilay duqeymo cirka ah kaddib dadaallo ay sameeyeen sirdoonka dalkaas.
Hay’adda ammaanka ee Shin Bet iyo sirdoonka milatariga Israa’iil ayaa la sheegay inay iska kaashadeen howlgalkan.
Sarkaal u hadlay Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kooxdan Falastiiniyiinta aysan wax jawaab ah ka bixineyn arrintan. t
Maxaa laga ogyahay ninkan
Cali Qadhi ayaa hoggaaminayay weerarkii ay kooxda ka geysatay koofurta Israa’iil toddobaad kahor.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in “diyaarad ay dishay Cali Qadi, oo weyhlinayay taliyaha garabka ‘Nukhba’ ee Xamaas”.
Sida laga soo xigtay Ciidamada Gaashaandhigga Israa’iil, ninkan 37 jirka ahaa ayaa ka mid ahaa ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo sanadkii 2011 la sii daayay, kuwaasoo lagu beddeshay Gilad Shalit, askariga Israa;iil ee ay qabsadeen Xamaas.
Sanadkii 2005, Qadi ayaa loo xiray afduubka iyo dilka nin Israa’iili ahaa oo la sheegay inuu u shaqeynayay hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet.
Kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay waqooyiga Marinka Qasa iyagoo ka baqdin qaba weerar ay Israa’iil soo qaaddo, iyadoo ay durba Israa’iil duqeymo ka fulisay aaggaas ayna sheegtay in labo waddo ay u furnnaan doonaan inay dadka ka baxaan.
Israa’iil ayaa wacad ku martay inay cagta marin doonto kooxda Xamaas ee gacanta ku heysa Qasa iyadoo uga aargoosaneysa weerarka ay kooxdu soo qaadday, kuwaasoo toddobaad kahor galay magaalooyin Israa’iil ku yaalla.
Ilaa 1,300 oo qof ayaa lagu dilay weerarkan oo ahaa kii ugu ba’naa ee dad rayid ah ay ku dhintaan inta la ogyahay taariikhda Israa’iil.
Ciidamada Israa’iil ayaa tan iyo markaas xannibaad saaray Marinka Qasa oo hoy u ah ilaa 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah.
Maamulka Qasa ayaa sheegay in in ka badan 2,200 oo qof la dilay, oo rubuc ka mid ah ay carruur yihiin, iyo ku dhowaad 10,000 lagu dhaawacay.
Israa’iil ayaa bulshada ku nool qeybta waqooyi ee Marinka Qasa u qabatay ilaa maanta oo Sabti ah inay uga baxaan una guuraan dhanka koofureed.
Xalay ayaa ku dhawaaqday inay ilaalin doonto ammaanka dadka Falastiiniyiinta ah ee ka qaxaya halkaas marayana labada waddo ee ay u furtay.
Agagaarka Qasa, ciidamada keydka ee Israa’iil ayaa isu diyaarinaya tallaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen, sida uu sheegay korneel u hadlay ciidamada Israa’iil, Jonathan Conricus.
“Waxay joogaan hareeraha Qasa dhammaan, dhanka koofureed, bartamaha iyo waqooyiga, waxayna isu diyaarinayaan howl walboo loo diro iyo wax walboo ku yimaada.” Ayuu yiri.
Xamaas ayaa u sheegtay dadka inaysan ka qaxin guryahooda iyadoo sheegtay in labada waddo ee Israa’iil ay furtay aysan ammaan ahayn.
Waxay kooxdu sheegtay in dhowr qofood lagu dilay duqeymo cirka ah oo lala beegsaday gawaarida dadka sidday, balse taasi lama xaqiijin karo.
Israa’iil ayaa dhankeeda ku eedeysay Xamaas inay dadka ka hortaagan yihiin inay qaxaan si ay ugu adeegsadaan gabbaad ahaan, taasoo ay Xamaas beenisay.
Sidee ayuu u dhici karaa weerarka dhulka ee Israa’iil ay la maaggan tahay Qasa?
Major General Amos Gilecaad, oo ah khabiir ka tirsan ciidamada difaaca Israel (IDF) iyo hawlgaladii hore ee Gaza, ayaa sheegay in hawsha ugu horeysa ee Israa’iil ay ahayd inay abuurto dawlad midnimo si ay u hesho taageerada dadweynaha ee tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.
Booqashooyin dublamaasiyadeed oo heerkoodu sareeyo oo ay dhawaan sameeyeen siyaasiyiin sarsare oo Maraykan ah iyo reer Yurub ah ayaa suurtogeliyay in Israa’iil hesho taageero caalamiga ah, in kasta oo midnimadaasi ay wiiqmi karto inta uu dagaalkani socdo, haddii uu sii kordho khasaaraha gaaraya rayidka, sidoo kale waxaa meesha ku jirta haddii uu kordho khasaaraha militariga Israa’iil.
Dhanka diyaarinta militariga, Israa’iil ayaa horey ciidamadeeda isugu geysay meel u dhow xadka Qasa. Ilaa 300,000 oo kayd ah ayaa la hawl galiyay, oo ay barbar socdaan ciidan ka badan 160,000 askari.
Waxaan la hadanay qaar ka mid ah ciidamada haatanba tegay koofurta – mooraalkooda wuxuu u muuqdaa mid sare, waxayna diyaar u yihiin inay dagaallamaan.
Nissim wuxuu ku sugnaa Sri Lanka markii ugu horeysay ee uu maqlay warka ku saabsan weerarka Xamaas, laakiin wuxuu qaatay diyaaraddii ugu horreysay ee Israa’iil si uu ugu biiro cutubkiisa. “Kani waa gurigeenna, waa inaan u dagaalannaa xaqa nolosha,” ayuu yidhi.
Shuki wuxuu ka tagay shaqadiisii iibinta isla markiiba. “Waxaan jeclaan lahayn inaan nabad helno,” ayuu yiri “,Nasiib darro, taasi macquul ma ahan, waxaan ku raaxaysaneynaa nolosha, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan u dagaalano xuquuqda nolosha.”
Israa’iil waxay u muuqataa mid ka midaysan baahida hwoshan, laakiin saacaddu way sii dhacaysaa inta ay sugayaan amarkooda dagaalka. Markasta oo sugitaanku sii dheeraado-se, waa inta ay sii adkaaneysi in la ilaaliyo diyaargarowga iyo mooraalka.
Digniintan ay Israa’iil u jeedisay Falastiiniyiinta ku nool Qasa ee ah inay ka qaxaan koonfurta ayaa waxay daliil u tahay in wejiga xiga ee hawlgalkeeda millatari uu dhow yahay.
BBC SOMALI