Kooxda Liverpool ayaa taageerayaasheeda kula heshiiyay guul ay ka gaadheen tartanka Europa league.
Liverpool ayaa garaacday kooxda Union St Gilloise kulan ka dhacay Anfield.
Klopp ayaa is badal ku sameeyay shaxdiisa xilli uu nasiyay xiddigaha muhiimka u ah kooxdiisa ee joogtada u ciyaara.
Laakiin Klopp ayaa ku soo galay shax adag oo uu hoagaaminayo Mohamed Salah.
Kooxda Union St Gilloise ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda waxana ay Liverpool u diideen in ay soo taabtaan shabaqooda.
Daqiiqadii 44-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ryan Gravenberch kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Qaybta dambe ayay Liverpool ahayd kuwo fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda martida u ahayd kuwaas oo aan awood u yeelan in ay weeraro qaadaan.
Diogo Jota ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/9 ay Reds ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool guul Muhiim ah oo ay Liverpool ugu soo laabatay wadada guulaha.