Liverpool head coach Jurgen Klopp has confirmed that left-back Andy Robertson will undergo surgery on the shoulder injury he sustained while playing for Scotland during the international break.
29-jirkan ayaa isku dhacay goolhayaha Spain Unai Simon intii lagu guda jiray isreeb-reebka Euro 2024 ee Scotland, isbuucii hore, wuxuuna si xun uga dhaawacmay garabka.
Tababaraha Scotland Steve Clarke ayaa shaaca ka qaaday in Robertson si degdeg ah dib loogu celin doono Liverpool si uu u maro qiimeyn dheeri ah, wuxuuna ka fariistay kulankii saaxiibtinimo ee uu xulkiisu guuldarada 4/1 ah kala kulmay France.
Tababaraha Liverpool ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga reer Scotland mari doono qaliin garabka ah isla markaas muddo maqnaan doona muddo dheer.
“Go’aanka aan qaadnay ayaa ah qaliin”ayuu Klopp yidhi.
“Waxa jirtay fursad yar oo uu ku soo kabsan karo qaliin la’aan laakiin kadib markii aan la hadalnay khabiirada, qaliinka ayaa noqon doona xalka mustaqbalka foga taas waxa ay la macno tahay in uu muddo maqnaan doono”.
Xiddiga Kostas Tsimikas ayaa la filayaa in uu noqdo badalka Robertson kaas oo heli doona fursad uu isku muujiyo inta uu maqan yahay xiddigu.