Kulan xiiso lahaa ayaa dhexmaray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kana tirsanaa tartanka horyaalka La Liga.
Kulanka ayaa ahaa mid si weyn loo sugayo iyada oo taageerayaasha kubada cagtu si gaar ah isha ugu hayeen kulanka.
Waxa uu noqday mid u qalma sugistii taageerayaash waxana ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah.
Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa kooxda Real Madrid.
Daqiiqadii 6-aad ayay Barcelona ka midho dhalisay gacan saraynteeda waxana goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Ilkay Gundogan kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Barcelona ayaa sii waday in ay ahaato kooxda fiican xilli ay Real Madrid ayaa dhinaceeda isku dayaysay in ay fursado samayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican isla markaas Real Madrid dhibaatootay.
Qaybtii dambe ayay Real Madrid u muuqatay kuwo aan ahaynba kooxdii qaybtii hore waxana ay ciyaarayeen ciyaar aad u qurux badan.
Real Madrid ayaa weerar aan kala joogsi lahayn ku qaaday Barcelona kuwaas oo daafac galay si ay goolka u ilaashadaan.
Daqiiqadii 68-aad ayay Real Madrid heshay midhihii dadaalkeeda waxana goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham kaas oo gool wareer ah ka dahliyay ciyaartana ka dhigay 1/1.
Real Madrid oo goolka bar-baraha shidaal qaadatay ayaa sii waday dadaalada iyaga oo goobo galiyay kooxda Barcelona.
Barcelona ayaa daafac ku uruurtay iyaga oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.
Labada kooxood ayaa si joogto ah isugu dayay in ay dhaliyaan goolal kale xilli ay koox walba doonayso in ay hesho 3-da dhibcood ee ciyaarta.
Daqiiqadii 90+1-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 2-aad ee kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Real Madrid guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Barcelona kadib kulan xiiso lahaa oo waali ahaa.