Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka fal celiyay guuldaradii kooxda Man United ka soo gaadhay Newcastle United.
Man United ayaa laga reebay koobka Carabao cup-ka kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen kooxda Newcastle United.
Markii uu u fadhiistay shirkii ka dambeeyay ciyaartii Bournemouth, Klopp ayaa natiijada kulanka United iyo Newcastle ka arkay Dhalo Tv oo u dhawayd.
Dhinaca kale Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay 2/1 kaga badiyeen Bournemouth kulan ka tirsnaa Carabao cup-ka.
Klopp ayaa u muuqday mid u qaadan waayay natiijada kulanka iyo in ay Newcastle 3/0 ku hogaaminayso kulanka inkasta oo ay ka dhacaysay garoonka Old Trafford.
Man United ayaa kulankii 2-aad oo xidhiidh ah guuldaro 3/0 ah kala kulantay garoonkeeda Old Trafford tartamada oo dhan.