Jamie Carragher ayaa aaminsan in Liverpool ay tahay kooxda ay u badan tahay inay Manchester City kula tartanto horyaalka Premier League, inkastoo halyeyga Reds uu dareemayo in kooxda heysata horyaalka ay weli ka sarreyso kooxaha ay xafiiltamaan.
Kooxda Pep Guardiola ayaa barbaro 4-4 ah kula gashay Chelsea garoonka Stamford Bridge galabnimadii Axada kulan xiiso lahaa oo si weyn loogu raaxaystay.
Kooxda Man City ayaa hal dhibic ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyada oo ka horaysa kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo isku dhibco ah.
Kadib fasaxa caalamiga ah Man City ayaa marti galin doonta Liverpool kulan dhici doona 25 bisha November Carragher ayaa dareensan in kooxdiisii hore ay halkaas ku aadi karto xoogaa kalsooni ah oo ay kula tartami karto horyaalka xilli ciyaareedkan.
“Liverpool waxa ay tagi kartaa Etihad iyaga oo rumaysan in ay ku tartami karaan horyaalka premier League”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.
Waa kooxda kaliya ee si dhab ah u riixday Manchester City dhowrkii sano ee la soo dhaafay”.
“Waa koox cusub oo Liverpool ah, laakiin wali waxa ay noqon karaan kooxda ugu cad-cad ee Man City kula tartami karta horyaalka sababta oo ah waxa ay haystaan xiddigo horay ula tartamay”.