Jamie Carragher ayaa sheegay in ayna Liverpool diyaar u ahayn in ay ku guuleysato Premier League waxana u baahantahay laba saxiix si ay ula tartanto Man City.
Liverpool ayaa bar-baro dirqi ah ka heshay kooxda Luton Town kulan dhacay Axadii kana tirsnaaa prmeier League.
Natiijadaas ayaa la macno ah in ay Reds ku jirto kaalinta 3-aad iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.
“Liverpool wali uma fiicna sida Man City marka laga hadlayo joojinta weerarada rogaal celiska ah”ayuu daaficii hore u sheegay Sky Sports.