Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga Bisha January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan boosaska ay ka jilicsan yihiin.
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Reece James laakiin Blues ayaa lacag badan dalban doonta si ay u iibiso xiddiga (Teamtalk).
Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Bournemouth ee Lloyd Kelly (Tuttosport).
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Royal Antwerp ee Arthur Vermeeren kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa January (Sport).
Man United ayaa doonaysa in ay tababare Erik ten Hag ku badasho Zidane ama tababaraha Sporting Lisbon ee Amorim (Times).
Man United ayaa u baahan in ay bixiso lacag dhan 15 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay shaqada ka caydhiso Ten Hag (Football Insider).
Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay suuqa January la soo saxiixato weeraryahan cusub si ay cadaadiska uga qaado xiddiga Rasmus Hojlund (Mail).
Liverpool ayaa qiratay in uu Mohamed Salah ka tagi doono kooxda kuna biiri doono horyaalka sucuudiga (Football Insider).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich (Fichajes).
Kooxda Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fluminense ee Andre (Sportsmole).
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Fc porto ee Mehdi Taremi ayaa doonaya in uu ku biiro Real Madrid suuqa January (Fichajes).
Kooxda Real Madrid ayaa Arsenal u sheegtay in uuna xiddiga Aurelien Tchouameni iib ahayn suuqa January (90min).
Goolhaye David De Gea ayaa iska diiday in uu dib ugu soo laabto Man United si uu u noqdo Badalka Andre Onana bisha January (Sportbible).