Iran ayaa uga digtay Israa’iil xiisad ka dhalan karta gobolka haddii militariga Israa’iil ay galaan Qasa duullaan dhanka dhulka ah, iyada oo dagaalka Xamaas uu galay todobaadkii labaad.
Arrintan ayaa muuqata walaac hore leh oo keeni karta isku dhac toos ah oo dhex mara labada dal waa Israa’iil iyo Iiraan e.
Qoraalkan, waxaynu ku eegaynaa awoodda milleteri ee labada dal:
Awoodda ciidan iyo hub ee Israa’iil
Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka
Israa’iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed ‘(IISS) uu soo saaray 2023
Muwaadiniinta da’doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), oo ah hay’ad cilmi-baadhis ku sameysa colaadda iyo hubka, Israa’iil waxay ku bixisay 23.4 bilyan oo doolar ciidamadeeda sannadkii 2022.
Haddaba aynu qayb qay iyo tiradeeda u dul istaagno:
Ciidammada
- 169,500 ciidan shaqaynaya
- 465,000 ciidammo kayd ah
Awooddooda dhanka dhulka
- 2,200+ taangi
- 530 madaafiic ah oo kala ah noocyada (SP, Towed, MRL, MOR)
Awooddooda cirka
339 diyaaradood oo awood dagaal oo ay ku jiraan 309 dayuuradaha dagaalka
- 196 F-16 diyaaradood
- 83 F-15 diyaaradood
- 30 F-35 diyaaradood
- 142 helikobtar
Awoodda badda
- 5 maraakiibta quusta
- 49 roondo ah iyo kuwa dagaalka xeebaha ah
-
Iron Dome waa qalab loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa’iil
Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.
Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa’iil ka hor inta aanay khasaare geysan.
Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.
Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa’iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale.
Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatarta yihiin.
Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa’iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo ka mid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.
Israa’iil ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay haysato awoodaha Nukliyeerka, sida uu sheegay machadka IISS, oo sheegay in dalkaasi uu haysto gantaallada Jericho iyo diyaarado qaadi kara madaxyada Nukliyeerka.
Intee ayay ku qarash garaysaa Isra’iil milleterigeeda?
Sannadkii 2022, Israa’iil waxay ku bixisay $23.4bn ciidankeeda, sida uu qabo Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), machad cilmi-baaris oo diiradda saaraya colaadaha iyo hubka.
Tani waxay gaareysaa $2,535 qofkiiba inta lagu jiro xilliga 2018-2022, taasoo ka dhigaysa adduunka dalka labaad ee ugu badan ee ku qarash-gareeya lacagta miisaanayadeeda marka loo eego qofka inta kaga hagaagaysa, dalka Qatar keliay ayaana ka horreeya.
2022, Israa’iil waxay 4.5 boqolkiiba wax soo saarka gudaha (GDP) u hibaysay milatariga, taas oo iyana ka dhigan in ay tahay dalka 10aad ee ugu sarreeya adduunka ee GDP-gooda geliya ciidankooda.
Awoodda ciidan iyo hub ee Iran
Tirada militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan ee ciidammada, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.
Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).
Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.
Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019.
Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.
Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.
Waa sidee howlgalladooda dibedda?
Cutubka lagu magacaabo Xoogagga Qudus, ee uu hoggaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobo ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgallo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei.
Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000.
Cutubkan ayaa waxaa loo daadgureeyay xilli kala duwan Suuriya waxaana qeyb ka ahaa la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.
Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka.
Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaadhan ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe.
Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.
Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka.
Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm.
Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha.
Iiraan ma leedahay Gantaalo?
Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia.
Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaallada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaadhan bariga dhexe.
Gantaallada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex.
Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara.
Hasa yeeshee, barnaamijka gantaallada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn, sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi).
Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi kartaa barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi.
Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaadhi kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed, waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan.
Hubka kale ee ay Iiran haysato
Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS.
Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla.
Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran.
Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco.
Mareykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkasta oo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay.
Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.
Iraan hadda ma laha barnaamij hubka Nukliyeerka ah, waxayna horay u sheegtay inaysan doonayn. Laakiin waxa ay leedahay wax badan oo ka mid ah walxaha loo baahan yahay iyo aqoonta lagu abuurayo awoodda nukliyeerka.