Xiddiga reer England ayaa dhigay rikoodh kale oo taariikhi ah kadib markii uu xulkiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen xulka qaranka Italy uguna soo bexeen tartanka Euro 2024.
Xiddiga Bayern Munich ayaa dhaliyay 2-dii gool ee ay kooxdiisu ku garaacday xulka Italy kulan ka dhacay Wembley.
Harry Kane ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan xulka qarankiisa marka lagu ciyaarayo garoonka Wembley.
Kane ayaa dhaafay Halyeeyga reer England Bobby Charlton kaas oo dhaliyay 23 gool marka uu ku ciyaaray garoonka xulka qarankiisa.
Harry Kane ayaa haatan dhaliyay 24 gool sidaasna ku noqday xiddiga ugu goolasha badan xulka qarankiisa marka laga hadlayo garoonka Wembley