Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaan go’aansan mustaqbalkiisa isagoo xiiso ka helaya kooxaha Arsenal iyo Chelsea, sida ay wararku sheegayaan.
Toney ayaa Hada ku maqan ganaax kadib markii lagu helay dambi dhinaca khamaarka ciyaaraha ah.
Laakiin waxaa lagu wadaa inuu garoomada ku soo laabto bisha January waxaana lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono kooxaha waaweyn.
27-sano jirkaan ayaa xiiso ka helay kooxaha Arsenal iyo Chelsea, Gunners ayaana la rumeysan yahay inay ugu cad caddahay saxiixiisa, laakiin Toney ayaa ka walaacsan inay tahay aan ku haboonayn in uu ka tago Brentford.
Ilo ku dhow Toney ayaa u sheegay The Sun: “Dad badan ayaa u maleynaya in Ivan uu ka tagi doono kooxda laakiin wax heshiis ah oo dhacay ma jiro, wali wax go’aan ah ma gaadhin”.
“Ivan mustaqbalkiisa wuu kala qaybsanyahay, Brentford way garab istaagtay, kooxduna waxay ahayd mdi u fiican isaga”.