Gudoomiye Ku-xigeynka Koowaad ee Aqalka sare Cali Shacbaan Inaa lilaahi wa inaa illeyhi Rajicuun.
Waxaan xanuunka la qeybsanayaa Dadkii ku Waxyeeloobay Weerarka Bahalnimada ah ee ka Dhacay Magaalada Beledweyne Waxaana ugu Tacsiyeynayaa Ehelada Dadkii ku Geeriyooday Weerarkaasi kuwa dhaawaca ahna Allaha u Booga Dhayo.
Weerarada Noocaan ee Bahalnimada ah oo ay Geysanayaan khawaarijita Waxay Daliil u tahay sida ay u taag daranyihiin islamarkaana Jab Xoog leh loogu gaarsiiyay Dagaalada Tooska Oo iska kaashanayaan Ciidamada Qalabka Sida iyo Dadka Deegaanka Ee Macawiisleyda, Dadka Soomaaliyeed Waxaan leeyahay argagaxisada Gabalkoodu Wuu dhacay aan u wada istaano sida aan u soo afjari laheyn.