SOMALILAND
Maamulka Somaliland waxa uu kusoo caana maalay 2 arrin. A). In shacabka iyo cid kasta oo loo jiheeyay cadawga 1-aad waa Soomaaliya, tani waxay kaalmeysay midnimo iyo in dalku hal cadaw leeyahay. B- Iyo madaxda hoggaanka oo ku guuleystay in lays doorto muddo lagu hehiiyay.
MAXAA DHACAY INTA UU MADAXWEYNE BIIXI HORJEEGE AHAA?
Sida uu u-yimid Muuse xariga ayuu jiidida ka badiyay in Somaliland cadawgeeda 1-aad yahay Soomaaliya. Hase yeeshee waxa uu ku guul dareystay in uu doorasho qabto waqtigii madasha.
XUKUN JACEYLKA MADAXWEYNE MUUSE
Xukun jaceylka Muuse Biixi waxa uu Somaliland ka yeelay dagaal sokeeye, oo gobolada meela kala duwan ka jira, jabhado hubeysan oo la dagaalamaya maamulka, musuq hareeyay meel kasta, xarig iyo hubanti la’aan camimitay Somaliland.
XALKU MAXUU YAHAY
Xalku waa in saamileyda siyaasadda Muuse la kulmo oo doorasho lagu heshiiyo. Muuse waxa uu ka mid yahay madaxda Soomaaliyeed ee xukunka ku sarqaasan, miirna malahan, waxan ku talinayaa in Madaxweynaha caqligu usoo laabto oo uu dalka badbaadiyo.
MUCAARADKA
Talada aan siinayo mucaaradka waa in aad ka shaqeysaan si nabadgelyo ah, in doorasho u dhacdo. Marnaba ha isku dayina gacan kahadal, waayo gacan ka hadal waa in dowladnimadu burburto, oo qof walba qabiilkiisa maciin bido.
<••• Dad Dalka U Siman ••••>
Gudoomiyaha Xisbiga Daldhis ahna Gudoomiyaha Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliyeed
Cabdiraxmaan Xuseen Caddow