Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Gobaleedka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shirguddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda sanadka 2024, Ansixinta Xeerka Kheyraadka Macdanta iyo qodobo kale.
Golaha Wasiirada Dowladda Gobaleedka Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, oo dhan ($387,550,700), taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.