Gary Neville ayaa fikirkiisa ka dhiibtay fursadaha Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli cyaareedkan kadib guuldaradii ka soo gaartay Newcastle United wuxuuna ku booriyay Mikel Arteta inuu keeno weeraryahan cusub suuqa January.
Neville ayaa Arsenal ku taageeray hanashada horyaalka heerka kowaad bilowgii xilli ciyaareedkan waxana uu sii laba jibaaray saadaashiisa ka dib markii Manchester City ay guuldaro kala kulantay Wolves dhamaadkii bishii September.
Laakiin isagoo hadlaya ka dib markii Arsenal ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Eddie Howe, taasoo keentay in guuldarro la’aantii Arsenal ee Premier League ay soo dhamaatay Nevilla ayaa dareensan in Arsenal ay wax ka maqan tahay si ay ugu tartanto horyaalka waxana uu wal-wal ka muujiyay fursadohooda horyaalka
Kulamadii aan daawaday Arsenal xilli ciyaareedkan, [booska] weerarka dhexe ayaa ahaa dhibaatada ugu weyn”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.
“Arsenal waa in ay suuqa gasho January oo ay la soo saxiixato weeraryahan”.
“Waxa aan horay u sheegay Jesus iyo Nketiah waa laba xiddig oo fiican laakiin ma ahan weeraryahano la isku halayn karo”.
“Waxaan u saadaaliyay inay ku guuleysan doonaan horyaalka, laakiin markaan eego hadda kulamada waa weyn, waxaan dareemayaa inay ka maqan yihiin wax sare”.