Kooxo burcad hubeysan ayaa magaalada Swellendam oo qiyaastii 225 km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Jeemis.
Ganacsadaha ayaa la sheegay in kooxo burcad hubeysan ku weerareen goobtiisa ganaci, waxa ayna sheegeen goobjoogayaal in ganacsadaha lagu dhuftay dhowr xabadood oo sababtay in uu markii dambe u geeriyoodo.
Warar aan helnay ayaa noo sheegaya in Burcada ay lacago baad ah ka rabtay Ganacsadaha, iyaga o marar badan ugu hanjabeen in ay dili doonaan, taas markii dambe ay dileen Ganacsadahaan oo la sheegay in uu ka mid yahay Soomaaliada ku dhaqan 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ee ka howlgala magaalada dilku ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay goobta dilku ka dhacay, waxa ayna sheegeen ciidamada in ay soo qaban doonaan burcadii dilka geesatay.
Dalalka Koonfur Afrika ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilka loo geesanaya ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, weli dowladda Soomaaliya kalama aysan hadlin dhiggeeda Koonfur Afrika dilalka dalkaas loogu geysta Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo nolol ka raadsaday dalkaas.